
(Europe) 10 Maajo 2019. Barcelona ayaa si fool xun uga hartay tartanka Champions League kaddib markii ay guul darro 4-0 ah kala kulantay Liverpool oo ay lugtii hore uga soo adkaatay 3-0.
Kabtanka Barcelona ayaa u tabar waayay inuu hal gool xitaa u dhaliyo kooxdiisa inkastuu labo gool dhaliyay lugtii hore ay ku soo adkaadeen Nou Camp.
Eeda ugu badan waxaa dusha lagaga tuuray tababaraha Barcelona Valverde iyo xiddiga qadka dhexe ee reer Brazil ee Coutinho.
Yeelkeede, Halyeyga reer Brazil Ronaldo Luís Nazário de Lima ayaa ka biyo diiday midaa isagoona carabka ku adkeeyay in Messi uu qeyb ka yahay eedeynta.

“Waa caddaalad darro in farta lagu fiiqo dambiilayaal gaar ah kaddib guul darada,” Ronaldo ayaa sidaa yiri.
“Barcelona waxay heysataa koox wayn, waxayna heysataa laacibka ugu fiican adduunka kaa oo ah Messi.
“Waxaan maqlay marka ay guul darreysato Barelona waxaa sabab u ah Valverde, Coutinho..iyo wixii la midka ah ee ma ahan Messi.
“Balse, markey guul gaarto waxaa sabab u ah Messi.
“Taasi waxay xushmad darro wayn ku tahay ciyaartoyda dhammaan iyo shaqaalaha tababarka.”.
Gool FM.
Rukumo Gool FM
Si aad u hesho wararka ciyaaraha dalka iyo dibadda
Gool FM Waa Hoyga Ciyaaraha





